Dagaal maanta ka dhacay degmadda Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ugu yaraan 3 qof ay ku geeriyootay 20 kalane ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan oo u dhaxeyay Ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu-sunna oo isku dhinac ah iyo mucaaradka dawladda oo dhinaca kale ah ayaa saaka bilaabmay ka dib markii ay ciidamadu dawladdu ku durkeen xaaafado ka tirsan degmada how-wadaag ee magaalada muqdisho.
Afhayeenka dawladda FKMG iyo ka Xisbul-islaam ee dhinaca howlgallada Maxa’ed Cusmaan Caruus ayaa ka hadlay dagaalka iyadoo labadoodu ay guulo sheegteen.
Xaalada degmada howl-wadaag ee uu saakay dagaalku ka dhacay ayaa iminka laga dareemayaa Xasilooni aan la isku haleyn karaynin maadama Ciidamadii dagaalamay ay wali isku horfadhiga gooba aan sidaas u kala fogeyn .