Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo


Dagaal ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo
Dagaal ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaal duleedka Gaalkacyo ku dhexmaray labada beelood ee Gaalkacyo daga

Ugu yaraan 7 qof ayaaa ku dhintay maanta dagaal bariga magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray laba beelood oo halkaasi wada daga.

Dagaalkan oo ka dhacay deegaanka Gacno-falle ayaa waxaa la sheegayaa inuu dabo socdo xiisaddo ka dhextaagan labadaasi beellood oo ka bilaabmay dhulka miyiga ah.

Dagaalka maanta ayaa bilowday sida la sheegayo kaddib markii maleeshiyo ka soo jeedda dhinaca waqooyiga Gaalkacyo ay weerar ku qaaden goob dhinaca bari kaga toosan magaalada Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in haatan colaadii qabowday.

Xiisadda ka dhextaagan labadan beellood ayaa saameyn weyn ku reebtay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka ee magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay socoto waan-waan ay labada dhinac ku doonayaan in colaadda lagu joojiyo, haddana waxaa muuqata in wali xaaladdu maalinba maalinta ka danbeyso ay ka sii darayso.

XS
SM
MD
LG