Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Duledka Dhuusemareeb


Dagaal ka Dhacay Duledka Dhuusemareeb
Dagaal ka Dhacay Duledka Dhuusemareeb

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusemareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal muddo kooban socday uu meel 30 km u jirta Dhuuse Mareeeb ku dhexmaray maleeshiyooyinka ka tirsan Ahl-Sunna iyo Al-Shabab.

Goobtan dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo BULACLE ayaa waxaa soo gaaray maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab saaka aroortii, waxayna taasi dhalisay in maanta barqanimadii ay weerar ku qaadaan maleeshiyada kooxda Ahlu-Sunna.

Dagaalkan oo markii danbe iskiis u qaboobay ayaa la sheegayaa in Ugu yaraan 14 qof oo dhinacyadii dagaallamay ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhaawacyada qaarkood la gaadhsiiyay goobaha caafimaadka ee magaalada Dhuusa-mareeb iyo degmada Ceelbuur.

XS
SM
MD
LG