Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhexmaray Kooxo Burcad-badeed ah


Wararka ka imanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray laba kooxood oo burcad-badeed ah.

Dagaalkan oo ka dhacay tuullo lagu magacaabo Dabo-Gallo oo 50-km u jirta degmada Xara-dheere ayaa qarxay kaddib markii mid ka mid ah labadan kooxood oo afduub ahaan deeggaankaasi ugu haysato dad ajanabi ah ay kala shakiyeen maleeshiyo kale oo burcad-badeed ah oo meesha maraysay.

Ajanabiga afduubka loogu haysto goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa lagu sheegay inay u dhasheen Korea iyo India.

Ugu yaraan 13 qof ayaa la sheegayaa inay dagaalku ku dhaawacmeen. Ilaa hadda ma cadda in wax dhibaato ah ay soo gaadhay iyo in kale dadka ajanabiga ah ee afduubka halkaasi loogu haysto.

XS
SM
MD
LG