Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhexmaray Ahlu-Suna & Galmudug


Wasiirka ganacsiga Galmudug, wuxuu sheegay in Ahlu-sunna ay soo weerartay (File Photo)
Wasiirka ganacsiga Galmudug, wuxuu sheegay in Ahlu-sunna ay soo weerartay (File Photo)

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacantay dagaallo maanta ka dhacay magaalada Caabud Waaq ee Gobolka Galguduud oo dhex maray Ahlu-Sunna iyo Wasiir ka tirsan Galmudug.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacantay dagaallo maanta ka dhacay magaalada Caabud Waaq ee Gobolka Galguduud.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dagaalku uu dhex maray maleeshiyada ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo cidamo ilaalinayey Wasiirka Ganacsiga ee Maamulka Galmudug Cabdilatiif Cabdullaahi Warsame oo xalay soo galay magaalada.

Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu weerarka soo qaaday.

Mas’uuliyiinta Mamaulka Galmudug ayaa sheegay inay laba qof dhinteen inkastoo aan taa si madaxbannana loo xaqiijin.

Haddaba, Wasiirka Ganacsiga ee Mamaulka Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame iyo Xasan Maxamuud Warsame oo sheegay inu yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Mamaulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb, ayaan labadaba ka wareysanay arrintaas.

Waxaa wareystay Ismaaciil Farjar ee hoos ka dhageyso.

Wareysi: Wasiirka Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:36 0:00
Wareysi: Madaxweyne Xigeenka Ahlu-Sunna
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00

XS
SM
MD
LG