Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal culus oo ka dhacay Galgala


Madaxweyne-kuxigeenka Puntland
Madaxweyne-kuxigeenka Puntland

Dagaal culus oo u dhaxeeya cidiamada Puntland iyo Maleeshiyada Atam ayaa ka dhacay Galgala. Puntland ayaa sheegatay inay guullo gaareen.

Dagaal culus ayaa saaka 7-dii aroornimo mar kale ka bilowday deegaanka Galgala, gaar ahaan togga Sugurre, oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo koox mucaarad ah oo uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid (Atam). Dad jooga tuulooyinka Laag iyo Karin oo ka ag dhow meesha dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalkii maanta hubka culus la isku adeegsaday.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Shire ayaa sheegay in ay 18 ka dileen kooxda Atam, halka ciidanka Puntlandna laga dilay 3 askari, 13 kalana laga dhaawacay.

Dagaalkan oo qaboobay goor danbe ee galab-dhicii ah ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaadhay iyo waliba in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii uu bur-buray waan-waan ay qaar ka tirsan odoyaasha deegaanada Puntland ay ka dhexwadeen Puntland iyo kooxda Atam.

XS
SM
MD
LG