Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Duleedka Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Dagaalka maanta ayaa waxaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 7 qof, tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warar ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mar kale dagaallo u dhaxeeya laba beelood ay ka qarxeen deegaanka Buq Matoor oo 60 km dhinaca galbeed uga toosan magaalada Beledweyne.

Dagaaladan ayaa waxa ay u dhaxeeyaan laba maleeshiyo beelood oo horey halkaas uu ugu dhex maray dagaal dad badan ay ku geeriyoodeen.

Dagaalka oo iminka qaboobay ayaa waxaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 7 qof, tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriyaha VOA-da ee magaalada Muqdisho, Jacfar Kuukaay ayaa ku warramaya in iminka ay socdaan dadaallo ay wadaan odayaal iyo maamulka gobolka, oo la doonayo in dagaaladan lagu xalliyo.

Dagaalka maanta ayaa imanaya xilli labadan beeleed la kala dhex dhigay heshiis xabad joojin ah, laba toddobaad kahor, markii ay sidoo kale ku dagaalameen magaalada.

XS
SM
MD
LG