Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu Helay Dambi La Xiriira Qaraxii Diyaaradda Daallo


Maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa laba nin ku heshay dambi ah inay qorsheeyeen weerarkii loo adeegsaday kombiyuutarka qaraxu ku rakibnaa ee lala beegsaday diyaaradda Daallo Airlines, labadii bishii Febraayo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Maxkamadda milatariga oo markii saddexaad maanta dhagaysi u fadhiisatay ayaa ku heshay Cabdiweli Maxamuud Macow oo ahaa madaxa amniga ee hay'adda duulista rayidka iyo Carays Xaashi Cabdi oo maxkamadu sheegtay inuu ka tirsan ururka Al-Shabab inay weerarka qorsheeyeen.

Maxkamdu waxay sheegtay in Carays Xaashi Cabdi uu ahaa gacanta koowaad ee maleegtay weerarkaas.

Labadoodaba waxay maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa'in.

Maxkamadda milatariga ayaa sidoo kale laba qof ku xukuntay inay gacan ka gaysteen weerarka, waxayna midkiiba ku xukunay afar sano oo xarig ah.

Saddex qof oo kale ayaa lagu xukumay min hal sano oo xarig ah, doorkii ay ku lahaayeen weerarka, halka saddex kalena ay heleen min lix bilood oo xarig ah.

Maxkamadda milatariga ayaa sidoo kale shan qof ku weyday wax dambi ah kuwaasi oo laga sii daayey xabsiga.

Weerarka qaraxa ayaa lala beegsaday diyaaradda Daallo 2-dii Febraayo ee sannadkan, waxaana ku dhintay weerarka ninka loo malaynayo inuu siday kombiyuutarka ay ku rakibnaayeen waxyaabaha qarxa.

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.

Dad loo xukumay qaraxii diyaaradda Daalo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00

XS
SM
MD
LG