Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay duqeyn Jubbada Hoose


Dad ku dhintay duqeyn Jubbada Hoose
Dad ku dhintay duqeyn Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya tuulada Hosungow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay galab ay duqeyn halkaasi ka geeysteen dayuurado dagaal.

Dayuuradaha ayaa markii hore duqeyay meel 1-KM u jirta Tuulada, wax yar ka hor salaadii casar, hadana saacad ka dib ayey ku soo noqdeen oo ay duqeeyn u geeysteen bartamaha degmada.

Maxamed Ibrahim Cumar oo ka mid ah dadka degaanka oo ay VOAdu la hadashay ayaa sheegay inuu arkay 11 qof oo duqeeynta ku dhimatay oo 7 ka mid ah ay caruur ahaayeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada DKMG ah ee Somaliya ee ku sugan Degamada Dhoobleey ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay duqeeynta ka dhacday degmada Hosungow.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Maxamud Farax ayaa sheegay in duqeeynta lagu bartilmaameedsanayay xero ay tababarada ku sameeyaan Alshabab.

Afhayeen u hadlay Al-shabab oo ka hadlayay idaacadda Andalus ee Afka Alshabab ku hadasha, Sheikh Abdicasis Abu Muscab ayaa sheegay in dayuurado dagaal ay tuuladaasi duqeeyeen, hase yeeshee waxa uu beeniyay in qasaare uu ka soo gaaray Al-shabab.Waxa uu sheegay in 9 qof oo rayid ah lagu dilay weerarka.

Ilaa iyo hadda ma cadda laheyd diyaaradaha duqeeynta geestay. Laakiin Dowladda Kenya ayaa horey ugu hanjabtay inay weeraro cirka la beegsaneyso saldhigyada Alshabab ee koonfurta Somaliya

XS
SM
MD
LG