Laba qof oo hor leh, laguna tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala 11-kii bishii July ayaa shalay la hor keenay maxkamad ku taala isla magaalada Kampala, iyagoo lagu soo oogay iney geysteen falal isugu jira argagixiso iyo iney laayeen dad ka badan 70 qof oo ku geeriyooday qaraxyadaasi.
Labadaasi eedeysane oo ahaa muwaadiniin u kala dhalatay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo magacyadooda lagu sheegay Khaliif Cabdi Muxumed oo ah 20 jir iyo Yaxya Suleymaan Mbuthia oo isagana 40 jir ah ayaa la keenay maxkamada, iyagoo gacmaha iyo lugaha ay kaga xeran yihiin katiinad, islamarkaana ay goobta maxkamadaasi illaalo adag ka hayeen ciidamo aad u hubeysan.
Wargeyska ku hadla afka dowlada Uganda ee New Vision ayaa qoray in muwaadinka Soomaaliga ah ee lagu magacaabay Khaliif Cabdi laga soo qabtay gudaha dalka Soomaaliya, halka eedeysanaha kalena laga soo xiray dalka Kenya kadib iskaashi dhex-maray saraakiisha ammaanka ee labadaasi dal.
Maxkamada lasoo taagay labadaasi nin ayaa loo ogolaaday iney goob-joog ka noqdaan weriyayaasha, saraakiil dhinaca ammaanka qaabilsan iyo sharci-yaqaano, wuxuuna xarigoodaasi ka dhigayaa tirade dadka ku eedeysan qaraxyadii Kampala illaa 34 qof, waxaana raggaasi dib loogu celiyay xabsiga, iyadoo ay galbinayeen 10 gaari oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka, si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, iyadoo la filayo in mar kale maxkamad la hor keeno 16-ka bishan.
Wargeys ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in labada nin lee la eedeeyay mid ka mid ah laga soo qabtay gudaha Soomaaliya.