Guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ee Soomaaliya Caydid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonaya in axsaabta ay samaysteen loo sharciyeeyo ay dacwad kasoo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmana Xuseen Odawaa.
Ilkaxanaf waxa uu sheegay in xisbiyadan ay doonayaan in la sameeyo sharcigii axsaabta, ee suurta gelin lahaa in xisbiyada siyaasadda la diiwaan geliyo.
Guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ayaa sheegay in dacwadda ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen qareenka xukuumadda, si ay jawaab uga bixiyaan, kadibna kiiska dacwadda halkaas laga amba qaadi doono.
Weriyahayaga Axmed Xasan Colaad, ayaa arrintan ka waraystay Guddoomiye Ilkaxanaf.