Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daahir Rayaale oo ka Hadlay Khilaafka UDUB


Daahir Rayaale oo ka Hadlay Khilaafka UDUB
Daahir Rayaale oo ka Hadlay Khilaafka UDUB

Mweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhex-galay xisbiga siyaasadda UDUB ee Somaliland, kaasoo ka dhashay doorashada musharaxa madaxweynimo ee Xisbiga UDUD.

Daahir Rayaale ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo doorashada musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UDUB loogu doortay Jamaal Cali Xuseen.

Daahir wuxuu sheegay inaan la socod-siin doorashada musharaxan, sidoo kalena ay doorashadani khilaaf ka dhex dhalisay xubnaha xisbiga UDUB.

Jamaal Cali oo muddo dheer la soo shaqeeyay bangiga City Bank ayaa shalay galab waxaa musharaxa xisbiga UDUB u doortay xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xisbigu UDUB, balse doorashadiisa waxaa ka horyimid xubno kale oo iyaguna ka tirsan xisbiga UDUB, waxayna taasi keentay in xisbigu uu laba garab u kala jabo.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale ayaa ku baaqay in doorashada musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dib loo dhigo lana qabto marka ay dhamaadaan doorashooyinka deeggaanka ee Somaliland , wuxuuna sidoo kale ku baaqay in musharaxa xisbigu uu noqdo shaqsi ay heshiis ku yihiin dhamaan xubnaha xisbiga UDUB.

Wareysiga Daahir Rayaale qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG