Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/qaasim: Madaxda DKMG ha Isku-tanaasulaan


C/qaasim: Madaxda DKMG ha Isku-tanaasulaan
C/qaasim: Madaxda DKMG ha Isku-tanaasulaan

Madaxweynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad ayaa ka horyimid shirka Nairobi, isagoo madaxda DKMG ugu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda

Madaxweynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad ayaa sheegay in haddi madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Sharif ay xalin waayaan khilaafkooda ay taasi keeni doonto burbur ku yimaadda dowladda KMG ee Somalia.

C/qaasin wuxuu ugu baaqay baarlamaanka inay iska soo dhex-xulaan guddiyo xaliya khilaafka labada Shariif.

Madaxweynihii hore, C/qaasin wuxuu sidoo kale qaadacay shirka wadatashiga ah ee uu ku baaqay Wakiilka XGQM, Augustine Mahiga, isagoo sheegay inaan loo baahnayn shir danbe oo dibedda lagu qabto.

C/qaasim mar uu ka hadlayay sida looga bixi karo xilliga kala guurka ee DKMG, wuxuu soo jeediyay in gudaha Somalia, gaar ahaan meelaha nabdoon lagu qabto shir ay isugu yimaadaan qeybaha bulshada kaddibna halkaasi ku doortaan dowlad la isku raacsan yahay.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso wareysiga C/qaasim oo dhameystiran.

XS
SM
MD
LG