Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/qaasim: Axdiga ha ku dhaqmeen madaxda DKMG


C/qaasim Salaad
C/qaasim Salaad

C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihi hore ee Somalia ayaa ugu baaqay Shariif iyo Sharma'arke inay ku dhaqmaan axdigii ay ku soo dhaarteen.

Madaxweynihii hore ee dowladdii TNG, C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay khilaafka ka dhexjira madaxda dowladda KMG ee Somalia.

C/qaasin, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay is-afgaran waaga u dhaxeeya madaxweyne Shariif iyo ra'iisul-wasaare Sharma'arke oo uu sheegay inuu yahay mid aan loo baahnay, wuxuuna ugu baaqay labadooda inay akhriyaan oo ay ku dhaqmaan axdiga KMG ee Somalia ee ay ku soo dhaarteen.

Madaxweyne C/qaasim mar uu ka hadlayay sida uu arko xal loo helo mushkilada Somalia, wuxuu soo jeediyay in shirweyne guud lagu qabto dalka gudihiisa, kaasoo ay isugu yimaadaan odoyaasha iyo cuqaasha kala duwan ee beelaha Somalida, kuwaasoo uu sheegay inay guullo ka gaadhi karaan xaallada Somalia.

C/qaasim Salaad Xasan, wuxuu mas'uuliyada dhibaatada Somalia korka uga tuuray, siyaasiyiinta Somalida iyo waliba wadamo uu ku sheegay inay ka mid yihiin Ethiopia iyo Mareykanka oo uu xusay inay sii horuniyaan dagaallada Somalia.

Wareysiga madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG