Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton: Waa in Laga Adkaadaa Abaarta


Clinton: Waa in Laga Adkaadaa Abaarta
Clinton: Waa in Laga Adkaadaa Abaarta

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay haboon tahay in laga hortago abaarta soo noqnoqonaysa.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay haboon tahay in laga hortago abaarta soo noqnoqonaysa.

Ms Clinton ayaa hadal ka jeedisay maalintii shalay ahayd magaalada Washington, kaasoo ay uga hadashay xaaladaha abaarta iyo macluusha ee Geeska Afrika.

Ms Clinton ayaa ku dhowaaqday $17 milyan oo doollar oo dheeraad ah oo Maraykanku uu ugu deeqayo Geeska Afrika, si wax loogu dadka ku tabaabeysan gobolkaasi.

Deeqdaasi ayay sheegtay in $12 milyan oo doollar ka mid ah la siin doono Soomaaliya oo ah halka ugu daran ee masiibada abaartu ay ku dhufatay.

Waxay sheegtay in caalamku uu kari karo in gobolkaasi loo fidiyo tas-hiilaadkii ay uga hortegi lahaayeen abaartaasi soo noq noqonaysa.

XS
SM
MD
LG