Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/laahi Yuusuf oo Geeriyooday


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/laahi Yusuf Axmed ayaa goordhaweyd ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka.

Eheladda Marxuum C/laahi Yuusuf ayaa VOA u sheegay in marxuumku uu ku dhintay cibistaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka.

Marxuum C/laahi Yuusuf ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanaa dalka Imaaraadka.

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu muddooyin badan ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, isagoo ugu danbeyntii sannadkii 2004-tii noqday madaxweynaha DKMG. Marxuum Yuusuf ayaa xilka iska casilay 2009-kii dhamaadkiisii kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo ra'iisulwasaarihii Nuur Xassan Xuseen.

XS
SM
MD
LG