Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cirro: al-Shabaab Ayaa Joogta Puntland


Cirro: al-Shabaab Ayaa Joogta Puntland
Cirro: al-Shabaab Ayaa Joogta Puntland

Waa Markii ugu horreysay uu mas'uul ka tirsan dowladda kmg ah sheego in xoogag ka tirsan al-Shabaab Puntland joogaan.

Dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay hawlgallada Puntland ay kula dagaalameyso xoogagga ka soo horjeeda.

C/rashiid Maxamed Cirro, wasiirka ganacsiga ee Dowladda km gee Soomaaliya oo u warramay VOA ayaa sheegay in xoogag ka tirsan al-Shabaab ay ku qulqulayaan Puntland, isagoo intaa raaciyay in ajaanib ay ku jiraan.

Mr. Cirro ayaa sheegay inay taasi ku xaqiijinayaan ilaha sirdoonka dowladda kmg ah iyo calanka madow ee ay ka taageen degmada Galgala ee ku dhow Boosaaso.

Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay dooneyso inay burburiso deganaanshaha ka jira gobollada nabadda ah.

Waa markii ugu horreysay mas’uul ka tirsan dowladda kmg ah uu si rasmi ah uga hadla in xoogag ka tirsan al-Shabaab ay Puntland ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG