Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Ethiopian oo soo Galay Galgaduud


Ciidamo kale oo dheeraad ah oo Ethipian ah ayaa xalay ilaa maanta soo gaarayay qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha magaalada Dhuuse-mareeb C/raxmaan Cali Geeda-Qorow ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamo badan oo Ethipian ah ay soo galeen gobolka, kuwaasoo haatan ku sugan degmada Guriceel.

C/raxmaan wuxuu sheegay in ciidamadan ay ku soo wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ciidamadan, balse C/raxmaan Geeda-qorow ayaa VOA u sheegay in ciidamadan ay badan yihiin, qorshahooduna yahay inay baacsadaan kooxda al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG