Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Djibouti oo Muqdisho Tagay


Ciidamo Djibouti oo Muqdisho Tagay
Ciidamo Djibouti oo Muqdisho Tagay

Daawo Sawirrada Ciidamada

Ciidamadii ugu horreeyay ee ka socda Djibouti ayaa ayaa maanta ka dagey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada maanta gaaray Muqdisho oo tiradoodu tahay 200 oo askari ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa ee AMISOM ee ka howlgalla Muqdisho.

Djibouti ayaa horey u sheegtay inay ciidamo gaaraya 900 oo askari u diri doonto Soomaaliya si ay taageerro u siiyaan dowladda KMG ee Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka socda Djibouti aysan waxba ku kordhin doono dowladda Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ugu hanjabay inay weerarro la beegsan doonaan.

Dhageyso warbixinta weriyayaasha Muqdisho iyo Djibouti iyo waliba falanqeyn ku saabsan ciidamada Djibouti waxay ka baddali karaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

XS
SM
MD
LG