Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Huwan ah oo qabsaday Beledxaawo


Ciidamo Huwan ah oo qabsaday Beledxaawo
Ciidamo Huwan ah oo qabsaday Beledxaawo

Ciidamo isugu jira DKMG iyo Alhu-sunna oo uu hoggaaminayo Barre Hiiraale ayaa maanta qabsaday magaalada Beledxaawo.

Ciidamo uu hoggaaminayo xildhibaan Barre Hiiraale ayaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaalda Beledxaawo ee gobalka Gedo.

Ciidamadan ayaa saddex meelood ka soo weeraray magaaladaasi. Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay dagaallkaasi. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka baxay magaaladaasi markii looga itaal-roonaaday.

Ciidamadan huwanta ah ee la wareegay Beledxaawo ayaa habeenimadii xalay waxay ka soo amba baxay degmada Doolow halkaasi oo fariisn u ciidamada iyo maleeshiyadaadka Ahlu-sunna ee dagaallada ka wada gobolladaasi.

XS
SM
MD
LG