Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo African ah oo loo dirayo Somalia


Midowga Africa ayaa sheegay in Guinea ay ciidamo ku biirinayso kuwa AMISOM. Sidoo kale waddamo kale oo African ah ayaa ciidamo balanqaday.

Midowga Africa ayaa magaalada Kampala uga dhawaaqay in ciidamo ka socda dalka Guinea sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diri doono Somalia, si ay ugu biiraan kuwa AMISOM ee ku sugan Somalia.

Dalalka, Ghana, Nigeria, Senegal iyo Zambia ayaa iyaguna ka mid ah dalalka ka fikiraya inay ciidamo ku biirinaya kuwa AMISOM.

Saraakiil iyo taliyayaal ciidan oo ka socda wadddama doonaya inay ciidamo diraan ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, waxay qiimeyn ku samaynayaan xaaladda Muqdisho kahor inta aysan ciidamadooda dirin.

Go,aankan ciidamo loogu dirayo Somalia ayaa waxaa laga dhawaaqey intii uu socdey kulankii heerka wasiir ee jimcaha maanta ah ka soconayey caasimada Uganda ee Kampala.

Dowladda Somalia ayaa ka codsatay waddamada Africa in ciidamo deg-deg ah loo soo diro si ay dowladda Somalia uga bad-baadiyaan weerarrada xooggan ee uga imanaya kooxaha mucaaradka.

Go'aanka ciidamo loogu dirayo Somalia, ayaa waxaa sidoo kale loo aanaynayaa qaraxyadii dhawaan ka dhacay Kampala, kuwaasoo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG