Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Midowga Yurub oo Muddada loo kordhiyay


Howlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee la dagaallama burcad-badeedda ayaa muddada loo kordhiyay tan iyo dhamaadka 2012-ka.

Safiirka Midowga Yurub ee dalka Kenya Eric Vandelen ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi, wuxuu ku sheegay in muddo 2 laba sanno ah loogu daray howlgalka ciidamada midowga Yurub ee ku sugan biyaha Somalia.

Mr Eric Vandelen,wuxuu sheegay in arrintan looga dhawaaqay shir ka dhacay magaalada Luxenburg.

Mr Eric wuxuuna sheegay in 24- bishan June, magaalada Mombasa laga furi doono maxkamad la saarayo dad loo soo qabqabtay burcad-badeed ahaa.

Howlgallada ay Midowga Yurub ka wadaan biyaha Somalia ayaa inkastoo aysan ku guuleysan soo afjarida weerarada burcad-badeeda, balse waxay hoos u dhigeen ama yareeyeen weerarada burcad-badeedda Somalia ay ku qaadaan maraakiibta maraya xeebaha Somalia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa shirka jaraa'id ee safiirka.

XS
SM
MD
LG