Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Kaalmo Siinaya AMISOM


Shiinaha oo Kaalmo Siinaya AMISOM
Shiinaha oo Kaalmo Siinaya AMISOM

Ururka Midowga Africa iyo Dalka Shinaha ayaa Jimcihi ku kala saxiixday magaalada Addis Abbaba ee Xarunta wadanka Ethiopia heshiis, taageero dheeri ah siinaya Howlgalka Midowga Africa ee Nabad ilaalinta ee Soomaliya ee AMISOM.

Heshiiskan oo ay Midowga Africa iyo shiinaha kala saxiixdeen maalintii Jimcihii aynu soo dhaafnay ayaa ku taageeraya Howlgalka Amisom Qalab ku kacaya lacag ku dhow shan milyan oo dolarka Mareykanka ah

Heshiiskan ayaa waxa dhinacyada u kala saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Africa Danjire Ramtane Lamamra iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Ethiopia Xie Xiaoyan isla markaana ah wakiilka Joogtada ah ee Shiinaha u qaabilsan Midowga Africa.

Hadaba warbixin ku saabsan heshiiskaasi oo dhameystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG