Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Amex Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa dhaliilay qaabkii loo magacaabay guddiyada baarlamaanka ee uu dhowaan dhisay guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxa uu sheegay in aan sharciga loo marin.
Xildhibaan Casoowe ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka in uu keligii gaaro go’aamada baarlamaanka.
Waxa uuna beesha caalamka ugu baaqay, ka hor intaanay shir ku casuumin inay marka hore eegaan sida ay tahay habeysnaanta baarlamaanka.