Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Calanka Soomaaliya oo laga Dejiyay Beer-Dhagaxtuur


Calanka Soomaaliya oo laga Dejiyay Beer-Dhagaxtuur
Calanka Soomaaliya oo laga Dejiyay Beer-Dhagaxtuur

Ciidamo Ethiopian ah ayaa 5 qof ku xirxiray Beer Dhagaxtuur oo ka tirsan Mudug, waxayna dejiyeen Calankii Soomaaliya ee halkaasi surnaa.

Maamulka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ay soo galeen deegaan ka tirsan degmada ayna dad ku xir xireen.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaah Faarax Bayle ayaa VOA-da u sheegay in dadkaasi lagu xir xiray tuulada la yiraahdo Beer-Dhagaxtuur, tiradooduna ay ahayd 5 ruux.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xarigga raggaasi uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada Itoobiyaanku ay gudaha u galeen iskuul ku yaalla tuuladaasi ayna dejiyeen calankii Soomaaliya ee halkaasi surnaa.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in cabasho la xiriirta arrintaasi ay gaarsiiyeen maamulka Puntland iyo wakiilka Itoobiya u fadhiya Garowe.

XS
SM
MD
LG