Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdalla: Dagaalka Somalia waa dagaal Caalami ah


Ahmed Ould Abdallah
Ahmed Ould Abdallah

Wakiilka gaarka ee QM ayaa golaha ammanka u sheegay in dagaalka Somalia uu caalami yahay, iyo in hanka mucaaradku uu ka shisheeyo Somalia

Wakiilka gaarka ah ee somalia u qaabilsan xoghayaha guud ee QM Ahmedou Ould Abdallah ayaa warbixin joogta ah oo mar-walba ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in colaada Somalia aysan imika ahayn mid Somalia ku kooban ee ay caalamka oo dhan taabanayso.

Axmadou Waxaa kaloo uu sheegey in xagjiriinta somalia ay ka masuul yihiin rabshadaha ayna ka qeybqaadanayaan xooggag ajaaniib ah isagoo tilmaamey in aysan dooneynin oo kaliya in ay majaxaabiyaan dowlada balse ay rabaan in wax maamul ah aan laga hirgalin Somalia

Axamdou wuxuu intaas ku daray in kooxahani ay laba uun mid doonayaan; waa tan horee in ay rabaan in ka dhigaan dowlad fowdo u joog ah iyo tan labaad oo ah in ay dhisaan dowlad maleeshiyo. Axmadou Ould Cabdalla waxaa kaloo uu sheegey in rabitaanka xagjiriinta uu ka fog yahay Muqdisho iyo Somalia,

Wakiilka waxaa uu sheegey in xili ay dowladu aysan dhaqaale u heynin howlgaladeeda aasaasiga ah in kooxaha ka soo horjeeda ay helayaan taageero dhaqaale oo aan xisaab laheyn,

Wuxuu ugu danbeyn Mr Cabdalla ku tir tirsiiyey golaha in ay fariin taageero ah oo culus u diraan dowlada KMG ah isagoo ku baaqey in wada shaqeyn uu goluhu la sameeyo urur goboleedyada ay ka midka yihiin IGAD, AU, OIC, iyo jaamacada carabta

XS
SM
MD
LG