Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burco: Booliska oo Qab-qabtay Afar Nin


Burco: Booliska oo Qab-qabtay Afar Nin
Burco: Booliska oo Qab-qabtay Afar Nin

Raggan la xir xiray waxaa la sheegay in loo dhaadhiciyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ciidamo la sheegay inay isugu jiraan kuwo amniga iyo sirdoonka Somaliland ayaa xalay hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Burco ay ku qabqabteen ugu yaraan afar qof.

Waalidka mid ka mid ah ragga la xirxiray ayaa VOA-da u xaqiijiyay in wiilkiisa iyo laba nin oo kale oo dhinaca Muqdisho uga yimid ay ku jiraan dadka la xiray.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali hadlin xariga raggaasi, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo dhawaan magaalada Burco lagu arkay dayuurad joog hoose ku socotay oo dhowr habeen dul-meeraysanaysay magaalada Burco.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysiga Max'ed Xuseen Naaleeye oo ah aabaha mid ka mid ah ragga la xiray

qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta ku saabsan xadhigaasi.

XS
SM
MD
LG