Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo Qabsaday Markab Xamuul


Burcad-badeedda oo Qabsaday Markab Xamuul
Burcad-badeedda oo Qabsaday Markab Xamuul

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa qafaashay markab kuwa shixnadaha qaada ah oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Ciidamada badda Yurub ee la dagaallama burcad-badeedda Soomaalida ayaa in burcad-badeedda Soomaalidu ay markab ku afduubteen meel 400 oo mayl dhinaca waqooyi bari kaga beegan jaziiradda Sychelles.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Isu-taga Imaaraaadka Carabta ayaa waxaa uu badda ku marayay calanka dalka Panama. Markabkan oo lagu magacaabo MV Oma ayaa burcad-badeeddu qabsadeen maalintii shalay ee isniintii ahayd.

Burcad-badeedda ayaa la sheegay inay markabkaasi ku weeraren qoryaha fudud iyo baasuukayaal. Afar ka mid ah burcad-badeedda ayaa markabkaasi fuuley, walina lama oga inta qof ee shaqaale ah ee markabkaasi saarnaa

Ciidamada reer Yurub ee la dagaallama burcad-badeedda Soomaalida ayaa sheeggay in ay imika haystaan 23 markab oo ay saarran yihiin 555 qof oo shaqaale ahi.

XS
SM
MD
LG