Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo Markab Sii Daayay


Ciidmada Midawga Yurub ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa sheegay in Burcad-badeed Soomaali ah ay sii daayeen markab laga lahaa dalka Giriigga.

Wali ma cadda sababta ay budh cad bedeedda Somalidu u sii daayeen markabkan oo ah nooca shixnadaha qaadda oo la yidhaahdo M V Lugela oo markii hore lagu soo waramay in la qafaashay maalintii sabtidii ee bishan 25keedii,laakiin shariikada iska lehi ay axadii shalay ahayduun warkaasi xaqiijisay.

Ciidamada Midawga Yurub ee la dagaalnka budh cad badeedda somalida ayaa sheeggay in markabkan uu badda ku marayay calanka wadanka Panama lana yidhaa MV Lugela.

Markabkan ayaa shariikada iska lehi waxaa ay axadii shalay ahayd-uun ay sheegtay in ay qafaasheen budhcad badeedda somalida isaga oo marayay meel aad uga fog xeebaha bariga Somalia.

Markabkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay nabad qabaan 11 badmaax oo saarnaa oo dhamaantood u dhashay wadanka Ukraine. Markabkan ayaa Budhcad badeedda Soomaalidu waxa aay sabtidii ka soo qafaasheen meel 900 oo Mayl dhinaca bariga kaga beegan dekedda degmada Eyl ee xeebaha bari ee dalka Somalia

Ciidamada midawga Yurub ee la dagaalanka budhcad badeedda Soomaalida ayaa sheeggay inuu markabkani soo dirtay dhawaaq qaylo dhaan ah markii la qafaashay.Waxaana la sheeggay inuu markabkani siday shinxad ka kooban biro iyo waayiro.

Warkan ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa inuu markabkani ku sii jeedday jasiirada Mauritius markii ay budhcad badeedda Soomaalidu ay qafaasheen.

XS
SM
MD
LG