Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Soomaalida iyo Sharciga Soo-galootiga


Britain: Soomaalida iyo Sharciga Soo-galootiga
Britain: Soomaalida iyo Sharciga Soo-galootiga

Soomaalida deggan dalka Britain ee loo diiday sharciga deganaanshaha ayaa ay suurto gal tahay in arrintaas laga caawiyo

Boqolaal Soomali ah ayaa aqoonsiga qaxootinimada iyo magangalyada looga diiday dalal ku yaala Yurub, oo uu ka midyahay dalka Ingiriiska, dadkaasi badankood ayaa loogu diiday ineey ka yimaadeen meelaha ay ka taliyaan maamuladda Nabdoon sida Somaliland iyo Puntland.

Hadaba maalintii Jimcaha ayaa waxaa sharciyaqaan aad looga yaqaan dalka Britian uu u sheegay Somalida ku nool Magaalada Manchester ee Waqooyiga Ingiriiska, in uu soo baxay sharci cusub oo fursad u siinaya dadkii loo diiday sharciyada ineey Qareenadooda ku noqdaan oo ay dib dacwadooda u bilaabaan.

Sharciyaqaanka la yiraahdo Pou Morris oo Somalida kula hadlay Masaajidka Al-furqaan ayaa waxaa hadalka ka turjumayay Xaaji Cumar Ismaaciil Baaruud oo ka tirsan odayaasha Jaaliyadda Somalida ee Manchester, isla markaana ah turjumaan ka shaqeeya arimaha sharciyada.

Cumar Baruud oo aan khadka Taleefanka ee Manchester kula xiriiray ayaan ugu horeeyn weeydiiyay waxa uu yahay sharciga cusub ee uu qareenka u sheegay Soomaalida.

XS
SM
MD
LG