Dawladda Britain ayaa marti galinaysa shirwayne caalami ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka muddada dheer ka taagnaa dalka Somalia.
Waxaa shirkan ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Midawga Africa, waddamada Somalia deriska la ah, iyo kuwo kale oo reer galbeed ah.
Waxaa kale oo shirkaasi ka qayb galaya wufuud ka kala socota DFKGM ee Somalia, Somaliland, iyo Puntland.
Wariye Abdisalam Hereri oo VOA-da k tirsan ayaa waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Mohamed Abdillaahi Cumar waxana uu ugu horayntii waydiiyay ujeedada guud ee shirka.