Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Sharci cusub oo luqadda ah


Dadka imanaya Britain ee lamaanahoodu ku biiraya ayaa lagu soo rogay inay luuqadda Ingiriiska bartaan inta aanay waddanka iman

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dhamaanba dadka u haajiraya wadanka Britain ee ka imanaya wadamada ka baxsan midawga Yurub ee ku biiraya lamaanayaashooda hore u sii joogay Britain loogga baahan yahay in ay soo bartaan Luqada Ingiriisiga oo heerkeedu yahay heerka ilmaha shan ilaa todoba jirka ah ee reer Britain ka hor inta aanay imanin wadanka.

Arintan oo ay sheegtay xogahayaha arimaha gudaha ee dalka Britain Theresa May ayaa waajib lagaga dhigi doona qof kasta oo doonaya inuu dego wadanka Britain, waxayna qeyb ka ahayd qorshihii Ra’iisal Wasaaraha cusub David Cameron intii uu ololaha ku jiray.

Sanadkii 2009kii, 60,000 oo qof ayaa helay dal-ku-galka Britain si ay ugu biiraan lamaanahooda. Sida cad arrintani waxay yareyn doontaa dadka lamaanayaashooda ku biiraya kuwaas oo ay Soomaalidu qeyb weyn ka tahay.

XS
SM
MD
LG