Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo ka Digtay Weerar uga Yimaada al-Shabaab


Sarkaal ka tirsan Hay'adda Sirdoonka dalkaasi ayaa sheegay in tiro badan oo Soomaali British ah ay tababar ku qaadanayaan gudaha Soomaaliya.

Madaxa Laanta Sirdoonka Gudaha ee dalka Britain (MIF) Jonathan Avens ayaa digniin ka soo saaray in kooxda al-Shabaab laga yaabo inay gudaha Britain weeraro argagixiso ka geystaan. Sarkaalka ayaa sheegay in dad badan oo degan dalka Britain ay haatan tababaro ku qaadanayaan gudaha Soomaaliya oo ay al-Shabaab tababareyso, ayna ka dhinac dagaalamayaan al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in la aaminsan yahay in dadkaasi ay ku jiraan qaar ka soo jeeda dalalka Pakistan, Bangaladesh iyo Afrika dhinaceeda Galbeed.

Britain ayaa sidoo kale muujisay walaaca ay ka qabaan saameynta isa soo tareysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso al-Qaacida.

XS
SM
MD
LG