Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Doorashadii Loo Dareeray


Britain oo Doorashadii Loo Dareeray
Britain oo Doorashadii Loo Dareeray

Dadka wadanka Britain ayaa maanta oo Khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta, iyaga oo ka qayb galaya doorashooyinkan guud iyo kuwa dawladaha hoose ee wadankaasi.

Doorashadan oo ay axsaabtu u soo galeen olole aad u kululaa ayaa waxaa la filayaa in ay noqon doonto mid ay axsaabtu aad isugu dhawaan doonaan.

Goobaha codbixintu waxaa sidii uu qorshahu ahaa ay saaka oo Khamiis ah furmeen 7dii subaxnimo ee wakhtiga magaalada London ee ay saacada Afrikada Bari-na ay ahayd 9kii subaxnimo.

Ilaa 44 Million oo qof ayaa u diiwaan gashan in ay ka qayb galaan doorashooyinkan oo ah kuwii uu loolankoodu ugu adkaa ee muddo dheer soo mara dalkan Britain.

Sadexda hogaamiye ee sadexda xisbi ee ugu waawayn oo kala ah hogaamiyaha xisbiga Labourka Gordon Brown oo isla markaasna isagu haatan ah ra’iisal wasaaraha wadankan Gordon Brown iyo hogaamiyaha xisbiga ugu wayn ee mucaaradak ah ee muxaafidka ah David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ah ee Liberal Democratiska Nick Clegg ayaa sadexdooduba ka codeeyay degmooyinkii markoodii hore laga soo doortay ee ay baarlamaanka ka soo galeen.

Waxaanay sadexdooduba xalay ilaa waa ku dhawaadkii ay wadeen ololahooda doorashada. Doorashadan oo dhamaanba saadaalaha jiraa ay muujinayaan in ay noqon doonto mid natiijada ka soo bixi doontaa ay si wayn isugu dhawaan doonto ayaa waxaaba la sheegayaa in ay xiitaa dhici karto inaanu baarlamaanka dhexe ee wadankan ka helin kuraasi ku filan oo ay kelidood ku soo dhisi karayaan dawlada cusub oo ay markaasi dhici karto in ay axsaabta qaarkood ay isu xulafaystaan sidii ay dawlada cusub ay u soo wada dhisi lahaayeen.

Baarlamaanka dhexe ee wadankan Britain ayaa waxa auu ka kooban yahay 650 Kursi,waxaanay ra’iisal wasaaraha iyo inta badan amaba dhamantood golaha wasiiraduna ka soo baxaan mundanayaasha baarlamaanka ee xisbiga dawlada soo dhisa.

Arintan is xulafaysiga axsaabta ayaa haddii ay dhacdo waxaa ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee sidaasi oo kale ay ka dhacdo dalkan Britain muddo 36 sanadood ah.

Natiijooyinka ugu horeeya ee guud ayaa waxaa la filayaa in ay soo bixi doonaan caawa saqda dhexe ee wakhtiga dalkan Britain,waxaana berrito waaku dhawaadka si buuxda loo ogaan doonaa in ay mar kale xukunka dalkan ay ku soo laabteen xisbiga Labourka oo markii afraad iyagu doonaya in ay ku guulaystaan doorashada oo xukunka wadankana ku haystay tan iyo snaadkii 1997kii.

Waxaase iyaguna doonaya in ay taasi beeniyaan xisbiga ugu wayn ee mucaaradka ee muxaafidka ah oo doonaya in ay doorashadani ku soo celin doonto xukunka oo ay ka maqnaayeen tan iyo sanadkii 19097kii.

Waxaa kale oo aan iyaguna dab yar shidaynin xisbiga sadexaad ee ugu wayn wadankan ee mucaaradka ahe e Liberal democratiska.

Marka aynu eegno somalida ku nool wadankan Britain meelaha oo ay markan ilaa 14 murashax uga qayb galayaan doorashooyinka dawladaha hoose ee iyaguna isla manta ka dhacaya dalkan ayaa waxay tiradaasi tahay tii ugu badnayd ee ka soo baxda murashaxiinta Somalida Britain ee ka qayb galaya doorashooyinkan.

Degmooyinka ay ugu badan yihiin murashaxiinta uu asalkoodu Somalida yahay ayaa waxaa ka mid ah bariga magaalada London oo ay aad ugu badan yihiin dadyawga ka soo haajirayw adamada kale ee Asianka ah iyo Somaliduba.waxaana saaka soo eegay sidii ay codbixintu uga socotay halkaasi Khadar Dirir oo isagu ah tifaftiraha wargeyska af ingiriisiga ku soo baxa ee Somali Eye ee ka soo baxa magaaladan London.

Magaalada Leicter ee ku taalla gobolka Midlands-ka ee badhatamaha wadankan Britain ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha ay somalidu ugu badan ee wadankan marka laga reebo magaalooyinka London iyo Birmingham.Omar Hassan Mohamed oo Omar Dheere loo yaqaano oo ku nool magaalada Leicter ayaa VOAda uga waramay sida ay doorashadu halkaasi uga socoto iyo sida ay doorashadan u danaynayaan dadka ka tirsan Somalida Britain ee halkaasi ku nooli.

Waxaa sidoo kale doorashadan si wayn u danaynaya Somalida ku nool magaalada Bristol oo iyaduna ka mid ah magaalooyinka ay Somalidu ugu badan yihiin.

Kaysar Abdilahi oo ah tifaftiraha wargeyska Somali Voice ee ka soo baxa magaalada Bristol ayaa VOAda uga waramay in ay Somalida magaaladaasi ay maqleen baraarujintii ay ugu sheegayeen in ay doorashada ay ka qayb galaan.

Caawa ayaa waxaa sida caadiyanba dhacda ay dad badani u soo jeedi doonaan si ula socdaan natiijooyinka iska soo daba dhacaya ee doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG