Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Boqolaal Qof oo la Qabqabtay


Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso Ka Bilaabay Hawlgal Lagu Qabqabnayo Dadka Da’doodu ka Yar Tahay 30 -ka Sano.

Tiro Dad ah oo lagu qiyaasay Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Ciidamada Amaanka ee Puntland ay saakay subaxnimadii ka qabqabteen dariiqyada iyo suuqyada magaalada Bosaaso .

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa lagu arkayey ciidamo fara badan iyo gaadiidka shabaqlaha loo yaqaan, kuwaasoo u daadgureynayey dadka ay qabtaan saldhiyada magaalada Bosaaso.

Hawlgalkan ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid aan horay loo shaacin, isla markaasna ma jirto wax war ah oo ay masuuliyiinta ammaanku ka soo saareen dadka la xirxiray iyo sababaha loo qabtay toona.

Howlgaladan ayaa ku soo beegmaya kadib markii toddobaadkan lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso Laba nin oo midkood uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Hoose ee Boosaaso.

XS
SM
MD
LG