Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaso oo guri guri loo baarayo


Boosaso oo guri guri loo baarayo
Boosaso oo guri guri loo baarayo

Ciidamada ayaa hawlgalkan qaaday ka dib markii ay qaraxyo iyo dilal ay ka dhaceen magaalada Boosaaso.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa baaritaan ku sameynaya xaafadaha magaaladaasi, iyagoo guri guri ugelayay dhowrkiii maalmood ee la soo dhaafay.

Ciidamada oo baaritaanka sameeynaya xiliga dharaartii ayaa xirayay cid kasta oo ay ka shakiyaan iyo iyagoo la wareegayay wixii hub ah ee ay ka helaan guryaha.

Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Bari, Korneyl Cawil Axmed Jaamac ayaa VOA u sheegay in hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii uu soo xumaaday ammaanka magaalada Boosaaso isla markaana ay dilal iyo qaraxyo ka dhacayeen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ku raacsan tahay hawlgallada ay wadaan ee ay ku sugayaan ammaanka magaalada Boosaaso. Wuxuu sheegay inaan cidna si gaar ah wax loogu dhimi doonin oo la tixgelin doono dadka magaalada degan ee shacabka ah, iyagoona sharciyeyn doona dadka hubka ku haysan kara magaalada.

Dhowaan magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay dilal oo mid ka mid ah lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamada sare ee gobolka Bari Cali Jaamac Qalas, iyo qaraxyo lala beegsaday gawaari ay la socdeen ciidamada ammaanka iyo gaari uu lahaa guddoomiyaha gobolka Bari.

Qaraxyadaasoo loo adeegsaday miinada meesha fog laga hago waxaa ku dhintay askartii la socotay gawaarida la qarxiyay.

XS
SM
MD
LG