Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqor Buur-madow oo Hargeysa lagu Xiray


Markii boqor Buur-madow la qabtay, waxa jiray dadweyne gegida dayuuradaha ku sugayey si ay u soo dhaweeyaan

Ciidamada Ammaanka ee Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ka dib markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, Boqorka ayaa xilliga ay qabanayeen ciidamada ammanku ay jireen dadweyne isu diyaarinayey inay soo dhoweeyaan, waxana xilligan uu ku xidhan yahay xarunta dembibaadhista ee magaalada Hargeysa, Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Cismaan Garaad Soofe ayaa u xaqiijiyey xadhiga boqorka.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG