Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqolaal Dad ah oo Indhaha Loo Fiiqayo


Boqolaal Dad ah oo Indhaha Loo Fiiqayo
Boqolaal Dad ah oo Indhaha Loo Fiiqayo

Boqolaal dad ah ayaa indhaha loo fiiqaya deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Boqolaal dad ah ayaa hawlo indho fiiqid ah loogu sameeyay deegaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Hawlahaasi indho fiiqista waxaa fulinaya koox dhakhaatiir ah oo is abaabushay oo la baxday al-Absaar Mobile Team.

Dr. Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Khayr) oo ka mid ah dhakhaatiirsasi ayaa sheegay inay boqolaal dad ah indhaha ugu soo fiiqeen deegaano hoos yimaada gobollada Bay, Hiiraan, Galguduud, Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose, Gedo iyo meelo kalena ay qorsheynayaan.

Gobollada ay kooxdaasi tagtay waxaa ka taliya dhinacada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya isku haysta, sida Dowladda KMG ah, Ahlusunna Waljamaaca, Xisbul Islaam iyo Kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG