Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Weerar Bamb-Gacmeed


Boosaaso: Weerar Bamb-Gacmeed
Boosaaso: Weerar Bamb-Gacmeed

Kooxo hubaysan ayaa xalay bamb-gacmeed ku weerary guriga Taliya Ilaalada cashuurta gobolka Bari, balse cidna waxba ku noqonin weerarkaas

Taliyaha ciidanka ilaallada canshuuraha ee gobolka Bari C/qaadir Axmed Khayr ayaa ka bad-baaday weerar xalay lagu qaaday gurigiisa oo ku yaala magaalada Boosaaso.

Weerarkaasi oo ay geysteen kooxo hubeysan ayaa loo adeegsaday bam nooca gacanta lagatuuro, waxaana sidoo kale la maqlayay dhawaaqa rasaas ay isweydaarsadeen kooxdii weerarka qaaday iyo ilaalada taliyaha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ah ilaalada taliyaha uu soo gaadhay dhaawac fudud.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa xaaladda magaalada Boosaaso ay aheyd mid ay ku soo kordhayeen dilal ay geysanayaan cid aan la aqoon, taasoo abuurtay jewi nabadgelyo xumo oo mar kale soo food saartay dadka ku nool magaalada Boosaaso.

XS
SM
MD
LG