Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Dunida oo ka Digay Kooxaha Somalia


Booliska Dunida oo ka Digay Kooxaha Somalia
Booliska Dunida oo ka Digay Kooxaha Somalia

Booliska caalamiga ah ee Intrpol ayaa ka digay kooxaha ka dagaalamaya Somalia oo uu ku tilmaamay in ay ka halis badnaan doonaan kooxaha Afghanistan.

Guddoomiyaha ururka booliska caalamiga ah Ronald Noble ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in ilaha nabadd sugiddu ay u arkaan in dhaqdhaqaaqa argagixisada uu ku tilmaamay ee ka jira Somalia uu yahay mid aad halis u ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kooxaha ka dagaalamma Somalia ay dhinaca argagixsanimada ay bara dhaafin doonaan kooxaha ka dagaalama Afghanistan 5ta ilaa 10ka sano ee soo socota, sida uu sheegay.

Dadka faaleeya siyaasadda Somalia ayaa iyaguna sheegay in kooxaha ka dagaalamaya Somalia ay u jeesteen dhinaca burcad-badeednimada, iyada oo falalka burcadnimadu laga helo lacago xad dhaaf ah.

Gees kalena saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in Shakir al Masri oo ah nin dhalinyaro ah oo haysta dhalshada lagu soo oogay dacwad ah in uu koox aragagixiso ah uu dmacsanaa in uu taageero.

Masri ayaa la aaminsanyahay in uu doonayay in uu tago Somalia si uu isku qarxiyo.

Ninkan ayaa bishii August laga soo qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Chicago.

XS
SM
MD
LG