Dowladda Uganda ayaa ka codsatay shacabkeeda inay booliska gacan ka siiyaan aqoonsiga ragga ay sawiradooda soo bandhigtay ee ay ku sheegtay inay yihiin kuwii isku qarxiyay magaalada Kampala.
Taliyaha booliska magaalada Kampala Kale Kiyahura ayaa sheegay in sawirada ay soo bandhigeen ay aad ugu ekeysiiyeen raggii fuliyay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay 76-ka qof.
Jeneral Kayihura wuxuu sheegay in hay'ado kale oo dambiyada baara iyo booliska dalal saaxiib la ah Uganda ay ku soo biireen hawsha baaritaanka.
Wuxuu sheegay in hawsha baaritaanka ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan booliska caalamiga ee Interpol iyo hay'adda dambi baarista ee dalka Maraykanka ee FBI.