Ciidamada dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta maanta magaalada Muqdisho ka sameeyay baaritaano guryaha qaarkood ee degmooyinka ay dowladdu gacanta ku hayso.
Ciidamadu waxay saaka ku jarmaadeen guryaha ku yaalla degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Dharkenley, halkaasoo dad goob joogayaal ihi ay VOA-da u sheegeen in ciidamadu ay dad xir xireen.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa VOA-da u sheegay in hawlgalkaasi ay ujeedadiisu tahay sidii loo sugu lahaa ammaanka goobaha ay dowladdu ka taliso.
Dad deganaa guryaha la baaray ayaa sheegay in ciidamadu ay kaxeysteen dad rayid ah oo ay uga shakiyeen inay ka qeyb qaataan dagaalada Muqdisho ka dhaca.