Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne: Shabaab Miino la Qaraxday


Beledweyne: Shabaab Miino la Qaraxday
Beledweyne: Shabaab Miino la Qaraxday

Dadka ka agdhow goobta qaraxu ka dhacay waxay sheegayaan in inta u dhaxeysa 9 ilaa 14 qof ay ku dhinteen oo ka tirsan al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhinteen qarax xooggan oo xalay ka dhacay gudabaha magaalada.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Beledweyne ayaa VOA-da u sheegay in qaraxu uu ahaa miinada dhulka la geliyo, dadka dhintayna ay ahaayeen rag ka tirsanaa kooxda al-Shabaab, kuwaasoo miinada si farsamo xumo ah kula qaraxday agagaarka Buundada Koowaad ee bariga magaalada oo ay ku aasayeen.

Dadka qaarkii ee deggan agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay intaasi ka badan tahay, oo ay u dhaxeyso 9 ilaa 14 ruux oo dhammaantood ka wada tirsan kooxda al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ayaa la sheegayaa in miinadaasi dhulka la geliyo ay la damacsanaayeen ciidamada dowladda KMG ah oo ku sii durkaya magaalada, iyadoona mas’uuliyiintii ugu sar sarreysay ee al-Shabaab la sheegayo inay isaga baxeen magaalada Beledweyne, dhowrkii cisho ee u dambeeyay.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dagaal culus kaga qaaday kooxda al-Shabaab meelo kala duwan, taasoo keentay in kooxdaasi ay lumiso gacan ku haynta magaalooyin ku yaalla gobolka Gedo iyo goobo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG