Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha caalamka oo soo saartay qoraal ku aadan doorashada madaxweynaha


Doorashada
Doorashada

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saareen ku sheegay inay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15-ka May 2022.

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inaysan jirin sabab kale oo ay dib ugu dhacdo doorashada madaxweynaha.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

“Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh.”

Guddiga doorashada madaxweynaha u qaabilsan baarlamanka ayaa labadii maalmood ee tegay diiwaan-geliyey in ka badan 30 musharax oo xilka u tartamaya.

Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaal hore Shariif Shekeh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Doorashada ayaa Axadda waxay ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka saaxiibada beesha caalamka ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG