Madaxweyne Museveni oo saxaafadda la hadlay kulankaasi kadib ayaa sheegay inuu ergada Golaha Ammaanka kala hadlay sidii taageero dhaqaale iyo mid qalab loogu heli lahaa howlgalka ciidamada Nabad Illaalinta ee AMISOM, isagoo xubnahaasina u xaqiijiyay in Uganda oo keliya ay ku filan tahay in tirada ciidamadaasi ay gaarsiin karto illaa labaatan kun haddii la weydiisto, balse ay iminka muhiim tahay in beesha caalamka laga helo taageeradii looga baahnaa.
Madaxweyne Museveni ayaa ka digay in haddii aan Soomaaliya dhaqsi loogu dhisin ciidan ammaan oo xoog leh ay dhici karto iney dalkaasi la wareegaan kooxo argagixiso caalami ah, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ka codsaday danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka in si dhaqsi ah xayiraad loogu soo rogo hawada iyo badda Soomaaliya, gaar ahaan deeganada ay ka taliyaan kooxaha mucaaradka oo uu ku tilmaamay iney uga soo degaan saanad Meliteri iyo shaqsiyaad ka tirsan shabakadaha argagixisada.
Wafdiga Golaha Ammaanka oo ay ku jireen ergada xubnaha joogtada ah ee Qaramadda Midoobay, sida; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka iyo China ayaa isla shalay gelinkii dambe u kicitimay dalka Suudaan oo ay booqan doonaan Gobalka Darfur iyo Koonfurta dalkaasi, iyadoo socdaalkooduna uu la xariiro sidii ay u xaqiijin lahaayeen in aaney wax caqabad ahi ka hor imaan Aftida bisha January ee sanadka soo socda loo qaadayo in gobalka koonfureed uu xoriyadiisa ka qaato dalka Sudan iyo in kale.