Toddobaadkan wargeysyada Caalamku waxay si isku mid ah wax uga qoreen dagaallada xoogga badan ee ka socda magaalada Muqdisho.
Wargeysyadu waxay si weyn wax uga faalloodeen dagaalladaasi iyo saameynta ay ku yeelan karaan caalamka intiisa kale.
Haddaba maqaallada qaarkood ee wargeysyada caalamku ay ka qoreen Somalia waxaa ka mid ah;
Wargeyska The independent: Soomaalidii ka soo tahriibtay Libiya oo isla Libiya dib loogu celinayo.
Wargeyska Financial Times: Weerarada lagu qaadayo Shisheeyaha oo canbaar ku noqday Koonfur Africa.
The Guardian: Mid ka mid ah dagaalyahanada shisheeyaha oo ka hadlaya safarkii uu ka tagay Somalia.
The times of India: Qaraxii ka dhacay Muqdisho waxaa gariirkiisii laga dareemay dalka Hindia.
Barnaamijka Wargeysyada Caalamka iyo Somalia waxaa London ku soo diyaariyay C/salaam Hereri.