Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijka Dhalinyarada: Nabadda iyo Hogaaminta


Barnaamijka Dhalinyarada: Nabadda iyo Hogaaminta

Barnaamijka Dhalinyarada ee todobaadkan waxaa looga hadlayaa dhalinyarada iyo hogaaminta.

Hoggaaminta siyaabaha badan ee lagu qeexo waxaa ka mid ah inay tahay farsamada qof u suurtogelisa inuu dadka kale ku qanciyo inay raacaan iyagoo raalli ka ah. Tayada hoggaankana waxa ka mid ah furfurnaanta iyo in dadka kale lagu dhiirigeliyo inay hal-abuur la yimaadaan, waxaana dadka hoggaanka qabanaya had iyo heer laga dhex heli karaa dhalinyarada.

Dhalinyarada iyo doorka hoggaamineed waa mowduuca barbaanijkeenna Dhalinyarada Maanta iyo Dagalalada Soomalaiya ee toddobaadkan.

Dhalinyaro badan ayaa diiday inay dagaallada sokeeye iyo colaadda ka qaybqaartaan. Weliba qaarkood waxayt qabteen hawl karti-dheeri ah iyagoo qaatay door hoggaamineed oo ay wax kaga qabtaan nabadda iyo horumarka dalka. Dhalinyaradaasi waxaa ka mid ah Burhaan Cabdii Suuryaan. Sahra Cabdi Axmed oo ka tirsan VOA ayuu kula kulmay waxana uu uga warramayaa marka hore halka uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqiisa nabadda.

Barnaamijka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

XS
SM
MD
LG