Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa si weyn u canbaareeyay tallaabada ay kooxda Al-shabaab kula wareegtay xarumo iyo qalab ay leeyihiin NGO-yo iyo hay’addaha QM ee ka howlgala Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha guud ee QM ayaa lagu xusay in Mr Moon uu sheegay in tallaabadan foosha xun ay hay’addaha samafalka ka hor-istagayso inay bixiyaan gar-gaarka nolol-badbaadinta ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee QM ayaa kooxda Al-shabaab ka dalbay inay ka baxaan xarumaha hay’addaha sidoo kalena ay dib u soo celiyaan qalabka ay ka qaateen hay’addahan.
Mr Moon ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaado mamnuucida ay kooxda Al-shabaab maanta ku soo rogtay NGO-yada iyo hay’addaha QM ee samafalka.
Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon wuxuu dhamaan dhinacyada Soomaaliya ugu baaqay inay tixgaliyaan sharciyada caalamiga ah ee bini’aadanimada.