Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban: DKMG Waxay Gaartay Guul Amni


Ban: DKMG Waxay Gaartay Guul Amni
Ban: DKMG Waxay Gaartay Guul Amni

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in booqashadiisii Muqdisho ay astaan u tahay nabadgelyada soo hagaageesa

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki moon ayaa sheegay in nabad ilaaliyeyaasha midoowga Africa ay ka caawiyeen dowladda Somaliya ineey gaarto guulo waaweeyn oo dhinaca amaanka ah Magaalada Muqdisho, laakiin waxa uu leeyahay waxeey u baahanyihiin ciidamo lagu soo xoojiyo si eey u xasiliyaan dalka intiisa kale.

Mr. Ban ayaa hadalkan jeediyay talaadadii shalay ka dib markii uu ka soo laabtay booqasho gaaban oo uu ku tagay Somaliya jimcihii, markii ugu horeeysay oo uu madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay, tago Somaliya in ka badan 18 sanadood.

Waxa uu sheegay Banki moon in booqashadiisu ay calaamad u aheyd xaaladda amaan ee soo hagaageeysa, taasoo uu sheegay in sidoo kale ay awood u siineeyso xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay in dib loogu raro magaalada Muqdisho bisha soo socota.

Laakiin . Ban waxa uu sheegay si loo gaarsiiyo guusha meelo ka baxsan Muqdisho, ay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee AMISOM, ay tahay ineey soo dhameeystiraan tiradii horey loogu ogolaaday ee 12, kun ee askari. Waxaa kaloo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay daraaseeyneeyso kordhinta tiradaasi ciidan.

Golaha amaanka ee Qarmada Midoobay ayaa ku sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay talaadadii ineey aqoonsadeen baahida ay Somaliya u qabto taageerada beesha caalamka si ay u sii heeyso jidka horumarka.

Laakiin warbixintu waxeey sheegtay in taageerada mustaqbalka ee dowladda Federalka ku meel gaarka ah ay tahay mid ku xiran, fulinta waa howlaha aadka muhimka u ah ee loo igmaday- marka la gaaro bisha August ee sanada 2012.

Howlahaasi oo la iskula meel dhigay qorshaha siyaasadda – ee horseedaya doorashooyin iyo dib habeeynta baarlamanka iyo dastuurka dalka.

XS
SM
MD
LG