Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Farmaajo ka codsaday inay joojiso heshiisyada lala galay shirkaddaha caalamiga ah ilaa inta laga sameynayo baadhitaanno rasmi ah oo la xiriirra heshiisyadaasi. Baarlamaanka ayaa hadalkan u sheegay R/Wasaare Farmaajo kaddib markii uu baarlamaanka hortagay si uu sharaxaad uga bixiyo heshiisyada xukuumaddu la gashay ilaa 6 shirkadood oo ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Saracen iyo Black Water. Farmaajo, wuxuu baarlamaanka u soo bandhigay warqad uu ra'iisul-wasaarihii hore Cumar C/rashiid Sharma'arke u qoray shirkadda Saracen International, taasoo qeexaysa sida ay xukuumaddii hore u ogolaatay inay heshiis lagasho shirkadda Saracen. Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa gaba-gabadii kulankaasi ka dalbaday baarlamaanka inay siiyaan 4 toddobaad oo uu macluumaad rasmi ah ku uruurinayo si uu baarlamaanka faahfaahin rasmi ah uga siiyo heshiisyada la galay iyo wali cidda sida rasmiga ah u saxiixday. Baarlamaanka ayaa ka ogolaaday codsigaasi. |
Baarlamaanka oo Dalbaday in la joojiyo Heshiisyada

Barlamaanka ayaa ka codsaday R/W Farmaajo inuu joojiyo heshiishayada DKMG la gashay shirkaddaha ilaa inta baaritaan buuxa la samaynayo